JACAYLKA: QALBI JECEL OO AAN LA JECLAAN, ILMO AAN LA ARAG IYO RIYO AAN RUMOOBIN 💔
Waxaa jira dhaawacyo aan dhiig ka daadan, haddana ka xanuun badan nabar kasta. Waxaa jira ilmo aan indhaha ka quban, balse qalbiga gudihiisa webiyo ka noqda. Waxaa jira dad noloshaada soo mara oo aan gacantaada qaban, haddana qalbigaaga meel aan cid kale buuxin karin ka dega. Taasi waa murugada jacaylka aan lagaaga jawaabin.
Jacaylku waa dareen yaab badan. Mar wuxuu kuu noqdaa iftiin mugdiga kaa saara, marna wuxuu noqdaa mugdi kaa qariya quruxdii nolosha. Mar wuxuu kuu abuuraa rajo aad berri ku noolaato, marna wuxuu kaa qaadaa hurdadii, farxaddii iyo degganaantii qalbigaaga.

Waxaa jiray wiil gabar si aan caadi ahayn u jeclaaday. Maalin kasta wuxuu u curin jiray erayo macaan, habeen kastana wuxuu u tirin jiray gabayo xambaarsan dareenkiisa. Mar wuxuu u heesi jiray sidii shimbir gu’ga ku faraxsan, marna wuxuu u gabyayay sidii abwaan qalbigiisa dhaawac ka hadlaya.
Isagu wuxuu gabadhaas u arkayay quruxda adduunka oo dhan. Dhoolla-caddaynteedu waxay u ahayd farxad, codkeeduna wuxuu u ahaa nasasho. Magaceeda oo keliya ayaa qalbigiisa farxad gelin jiray.
Laakiin nasiib-darradu waxay ahayd in gabadhii aysan dareenkaas la wadaagin.
Isagu wuxuu jeclaa inay noloshiisa qayb ka noqoto, iyaduna waxay jeclayd inay nolosheeda xor u ahaato. Isagu wuxuu sugayay hal eray oo jacayl ah, iyaduna ma doonayn inay siiso rajo aysan dhab ka ahayn.

Wiilkii wuxuu is weydiiyay: Maxaa jacaylka looga dhigaa farxad haddii uu qalbi dhaawacayo? Maxaa qof loogu jeclaadaa si aan la qiyaasi karin, haddana looga waayaa xitaa qayb yar oo dareenkaas ka mid ah?
Maalin ayuu gabay murugo leh tiriyay, wuxuuna yiri:
“Haddii hees lagu heli lahaa qalbi, habeen iyo maalin waan kuu heesi lahaa. Haddii gabay lagu kasban lahaa jacayl, afkaygu ma aamusaan. Haddii ilmo lagu beddeli lahaa kalgacal, indhahaygu weligood ma qallalaan. Laakiin maanta waxaan bartay in jacaylku uusan ahayn dadaalka hal qof, balse uu yahay heshiis laba qalbi si xor ah u wada galaan.”
Jacaylku wuxuu leeyahay laba weji. Mid waa farxad, rajo, kalsooni iyo nolol qurux badan. Kan kalena waa sugitaan, hilow, murugo iyo xusuus aan si fudud ku dhammaan.
Haddaba, sidee jacaylka loo horumarin karaa?
Jacaylka dhabta ah waxaa saldhig u ah daacadnimo, is-ixtiraam, dulqaad, wada-hadal iyo kalsooni. Wuxuu kobcaa marka labada qof ay isu naxariistaan, isu tanaasulaan, dareenkoodana si daacad ah u muujiyaan. Jacayl aan la wadaagin laguma dhisi karo baryo, qasab iyo dadaal hal dhinac ah.
Qofka aad jeceshahay waa inaad qalbigaaga u furtaa, balse ma aha inaad qalbigaaga ku burburisaa si aad qalbigiisa u kasbato.
GUNAANAD: SAGOOYINKII UGU DAMBEEYAY EE QALBI JACAYL KU GUULDARRAYSTAY 💔

Waxaa timid maalin uu wiilkii garwaaqsaday in heesihii uu qaaday, gabayadii uu tiriyay iyo rajadii uu sannadaha ku noolaa aysan beddeli karin dareenka gabadha.
Maalintaas ma uusan ooyin sababtoo ah gabadhii way ka tagtay, waayo weligeed ma aysan noqon gacalisadiisa. Wuxuu u ooyay riyo uu kaligiis dhistay, mustaqbal uu kaligiis sawirtay iyo farxad uu u haystay inay maalin xaqiiqo noqon doonto.
Isagoo qalbigiisa la hadlaya ayuu yiri:
“Gacaliso, maanta waan ka daalay inaan albaab aan la ii furayn garaaco. Waan ka daalay inaan sugto jawaab aan imanayn. Laakiin kama daalin inaan kuu rajeeyo wanaag.
Waxaan ku jeclaaday qalbi aan xumaan aqoon, waxaan kuu heesay cod aan murugo qarin karin, waxaan kuu tiriyay gabayo aan ilmada ka dhashay. Adiguna waxaad i bartay cashar aanan weligay illaawi doonin: in qofka aad dunida ugu jeceshahay uusan khasab ku ahayn inuu adigana ku jeclaado.
Haddii maalin aad maqasho hees murugo leh, ha u malayn inay aniga iga timid. Haddii aad aragto nin aamusan oo dhoolla-caddaynaya, ha moodin inuusan murugo lahayn. Waxaa laga yaabaa inuu yahay qof jacaylkii uu dunida ugu jeclaa qalbigiisa ku aasay, isaga oo weli nool.
Maanta waan ku sagootinayaa, ma aha inaan ku nacay, mana aha inaan kaa quustay farxad darteed. Waxaan ku sagootinayaa sababtoo ah waxaan ogaaday in qalbigayguna xaq u leeyahay nabad iyo nasasho.
Haddii aad faraxdo, waxaan rajaynayaa in farxaddaadu waarayso. Haddii aad jeclaato, waxaan kuu rajaynayaa qof kuu ilaaliya qalbigaaga sida aan jeclaan lahaa inaan kuu ilaaliyo. Haddii aad maalin murugooto, waxaan Alle ka baryayaa inuu kuu sahlo qof ku fahma adigoon xanuunkaaga sharxin.”
Markaas ayuu aamusay.
Heesihii wuu joojiyay. Gabayadii wuu xidhay. Farriimihii uu diri jirayna wuu ka joogsaday.
Laakiin waxa ugu xanuunka badnaa ma ahayn aamusnaantiisa.
Waxay ahayd in gabadhii aysan ogeyn in maalintaas uu wiilkii sagootiyay qof uusan weligiis helin, balse uu qalbigiisa ku jeclaa sidii qof uu noloshiisa oo dhan la wadaagay.
Wuxuu ka dhaqaaqay meel uu sannado rajo ku sugayay. Indhihiisa ilmo ayaa ka soo daadatay, laakiin markii ugu horraysay wuxuu doortay inuu naftiisa badbaadiyo.
Waayo, jacaylka dhabta ahi mararka qaar kuma dhammaado laba qof oo is helay, balse wuxuu ku dhammaadaa qof dhaawacmay oo bartay inuu sii noolaado isaga oo aan helin kii uu jeclaa.
Waxaa laga yaabaa in waqtigu tirtiro raadkii tallaabooyinkiisa, in dabayshu qaaddo codkii heesihiisa, in sannaduhu duugaan gabayadii uu tiriyay. Laakiin casharkii uu jacaylka ka bartay weligiis ma lumi doono.
“Waxaan ku jeclaaday anigoo rajaynaya inaan ku helo, waxaan kaa tegay anigoo og inaanan ku heli doonin. Labadaas dhexdooda waxaan ku waayay hurdo badan, farxad badan iyo ilmo aan cidina arag. Balse maanta waxaan doortay inaan naftaydii dib u helo.”
Ugu dambayn, murugada ugu weyn ee jacaylku ma aha in laba qof oo is jeclaa kala tagaan; waa in qof qalbigiisa ku dhiso guri jacayl, kuna sugo qof aan weligiis doonayn inuu gurigaas soo galo.
Qalbiga wax jecel waa la dhaawici karaa, laakiin jacaylka dhabta ahi ma aha inuu qofka ka qaado sharaftiisa, rajadiisa iyo qiimaha naftiisa. ❤️🩹
Qore: Ahmed Muse Abdulle (Idaawaqaca)


Leave a Reply