Guddoomiyaha Somali Community Self-Management oo u mahadceliyey Bennion Center iyo ardayda University of Utah

Salt Lake City, Utah — Guddoomiyaha Somali Community Self-Management, Abdirisaq Balle, ayaa mahadcelin u jeediyey Bennion Center ee University of Utah, kaddib kulan iyo hawlo iskaashi oo ay bulshada la yeesheen arday iyo mutadawiciin ka socda jaamacadda.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in ka qaybgalka ardayda iyo mutadawiciintu muhiim u yahay xoojinta xiriirka jaamacadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee Utah, isla markaana iskaashiga noocan ahi abuuro is-dhexgal, isfaham iyo fursado ay bulshadu ka faa’iidaysato.

Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Ruby Wahineho’oka’e, Community Partner Programs Manager ee Bennion Center, iyo dhammaan xubnaha ka qayb qaatay abaabulka iyo hawlaha bulshada.

Somali Community Self-Management ayaa sheegtay inay diyaar u tahay sii wadidda wada-shaqaynta University of Utah iyo hay’adaha kale ee bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo barnaamijyada waxbarashada, dhalinyarada iyo adeegyada bulshada.