Askari ka badbaaday dagaalkii “Black Hawk Down” oo ka warramay dhaawac culus oo Muqdisho ku soo gaaray
James Lechner, oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee Rangers, ayaa dib uga sheekeeyay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dagaalkii Muqdisho ee dhacay 3–4 Oktoobar 1993, kaas oo loo yaqaan “Black Hawk Down.”
Lechner ayaa sheegay in xabbad AK-47 ah ay kaga dhacday jilibka hoostiisa, jebisayna lafta lugta. Wuxuu intaas ku daray in dhaawacu waxyeelleeyay laba halbowle, taas oo sababtay dhiigbax xooggan oo naftiisa halis geliyay.
Isagoo xusuusanaya gurmadkii loo fidiyay, ayuu sheegay in askari caafimaad oo ka tirsanaa Delta Force uu kasoo baxay dhisme xilli rasaastu socotay, kadibna gudaha u jiiday si loogu daweeyo. Dhismahaas ayaa loo adeegsanayay goob lagu ururiyo dhaawacyada.
Sheekadiisu waxay dib u soo nooleynaysaa xusuusta dagaalkii Muqdisho iyo xaaladihii adkaa ee ay la kulmeen dadkii ku dhex jiray.



Leave a Reply