IDAAWAQACA NEWS

WARARKA SOOMAALIYA · CAALAMKA · BULSHADA SOOMAALIYEED

Bogga Hore / Wararka

,

Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay 22 Wasiir oo Cusub oo uu Soo Magacaabay Abiy Ahmed

Tifaftiraha: Ahmed Muse Abdulle (Idaawaqaca)

Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay 22 Wasiir oo Cusub oo uu Soo Magacaabay Abiy Ahmed

Ahmed Muse Abdulle (Idaawaqaca) | 8 Oktoobar 2026
Addis Ababa, Itoobiya — Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah si aqlabiyad buuxda ah u ansixiyay 22 wasiir oo uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumaddiisa cusub.
Isbeddelka ugu weyn ayaa ka dhacay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana loo magacaabay Dr. Fitsum Assefa, oo siddeeddii sano ee la soo dhaafay hoggaaminaysay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Itoobiya.
Dr. Fitsum ayaa xilka kala wareegaysa Ahmed Shide, oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya markii uu furmay kalfadhiga cusub.

Wasiirrada kale ee xilalka loo magacaabay waxaa ka mid ah Mohammed Idris oo noqday Wasiirka Gaashaandhigga, Gedion Timothewos oo sii haya Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Birhanu Nega oo sii hoggaaminaya Wasaaradda Waxbarashada.
Sidoo kale, Temesgen Tiruneh ayaa sii ahaanaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya. Sagaal ka mid ah 22-ka wasiir waa haween, taas oo u dhiganta ku dhowaad 41% golaha wasiirra

Ansixintan ayaa timid saddex maalmood kaddib markii Abiy Ahmed dib loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya muddo shan sano ah.

La wadaag warkan asxaabtaada

Share Facebook — Ku wadaag Facebook

Warar kale oo aad akhrisan karto